|
Kismayo, (insidesomalia.org)- Guddoomiyaha Siyaasadda Beesha Sade Yaasiin Nuur Gaas ayaa shaaca ka qaaday in ay ka hortegayaan Ciidamo dhawaan la wareegay gacan ku heynta Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe iyo Deegaanka Kamsuuma ee Gobolka Jubbada Hoose.
Yaasiin Nuur Gaas waxaa uu sheegay in ay ka war heleen in ay Ciidamadaasi ku soo wajahan yihiin Magaalada Kismaayo, sidaas darteedna aysan meesha ku sugeynin, “Ciidamadaas waa kuwo qabiil ah oo huwan shaarka Qolada Asmara joogta, waana ka hortegeynaa”ayuu yiri Yaasiin Nuur Gaas.
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in Maleeshiyooyinka ku sugan Magaaladaas heegan la geliyay, halka kuwo kalena ay u dhaqaaqeen dhinaca deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose oo la soo sheegayo in ay ku sugan yihiin Xoogag ka tirsan Maxkamadaha Islaamka ah.
Dhanka kalena, Afhayeenka howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciiise Caddow ayaa sheegay in Ciidamada la wareegay gacan ku heynta Degmada Jilib iyo Deegaanka Kamsuuma aysan ahayn kuwo qabiil, wuxuuna uu sheegay in aysan Maxkamadaha Islaamka adeegsan wax Qabiil ah, dadka warkaasi faafiyayna ay yihiin kuwo doonaya in ay wax marin-habaabiyaan ayuu hadalkiisa sii raaciyey
Ugu dambeyntiina, Magaalada Kismaayo ayaa waxay tahay mid aanu ka jirin wax Maamul ah, waxaana gacanta ku haya Maleeshiyooyin Beeleedyo, kuwaasi oo aan waxba ka qabankarin amni darro ka jirta Magaalada Kismaayo oo ka mid ah Magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya.
|